DHAGEYSO WAREYSI:- Gudiga Qaxootiga Yeman Ee Muqdisho Oo Gaaray Deegaanada Puntland.

0

Magaaladda Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Ayaa waxaa maanta ka soo Dagay Diyaarad ay la socdeen Xumno ka tirsan Gudiga Qaxootiga Yemen Kaas Oo fadhigiisu yahay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Somaliya.

Shiikh Axmed Yuusuf Daad Oo Ah Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Qaxootiga Yemen ee Boosaso  Ayaa Xaqiijiyay Imaanshaha Gudigan ee deegaanadda Puntland, Wuxuunna sheegay iney si wanaagsan usoo dhaweeyeen,

Sheikh Daad ayaa sheegay in Wafdiga Uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Gudiga Taakuleynta Qaxootiga Ee Muqdisho Sheikh Nuur Baaruud Gurxan, Waxeyna Ka soo kicitimeen Magaaladda Muqdisho.

Mar aan wax ka weydiinay Ujeedka ay wafdigaan uyimaadeen Deegaanadda Puntland ayuu sheegay iney Ukuurgali doonaan xaaladda Nololeed ee Qaxootiga Ku Sugan Puntland, Kuwaas oo ka soo Cararaya Colaadaha Dalka Yeman.

Gudiga Ayaa in uu jooggo Puntland Booqan Doonna Magaaladan boosaso isagoo Ka Horna Soo Mari Doonna Dagmadda Qardho Oo Ay Ku Suganyihiin Qaxootiga U dhashay dalka Yemen Kuwaas Oo Halkaasi Loo Raray.

Hoos ka dhageyso wareysiga: