DHAGEYSO WAREYSI:- Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Gobalada Dhexe oo kawarbixiyeey Dagaalo Caabudwaaq Kadhacay.

0

Xili shalay Dagaalo Xoogan ay kadhaceen Magaalada Cabudwaaq ee Gobalka Galgaduud,isla Markaana u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Gobalada Dhexe ee uu Hogaaminayo sheekh Axmed Shaakir iyo Kuwa Gal-Mudug ee uu Hogaaminayo Cabdikareem Xuseen Guleed ayaa waxaa ka hadlay Maamulka sheekh shaakir.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Xasan Gaboobe ahna Afhayeenka Maamulkaas ayaa sheegay in Dagaladii kadhacay cabudwaaq ay ka gareen Dagaalo,isla markaana wuxuu sheegay in Maleeshiyaad katirsan Gal-Mudug ay soo qadeen ayna iska Difaacen.

Wuxuu sheegay inay Jiraan Khasaaro labada dhinac ah wuxuna Tilmaamay in Guud ahaan hadda ay maamulayaan Degmada Cabudwaaq Maamulkooda uu Hogaaminayo sheekh Axmed Shaakir oo Kamid ah Culumada ahlusunna Waljameeca ee Gobalada Dhexe.

Ugu dambeyn ayuu sheegay in Dhawaan Maamul ay u samayn donaan cabudwaaq,Taas oo ay ku mashquulsanyihiin Madaxda Dowlada Gobaleedka Gobalada Dhexe ee uu Hogaaminayo,wuxuuna Fariin u diray shacabka Gobalada Dhexe oo ugu baaqay inay Tageeran Maamulka Gobalada Dhexe.

hoos ka dhageyso wareysiga: