DHAGEYSO:- Wasaaradda Haweenka oo soo bandhigtay Hindise sharciyeed ku aaddan xadgudubyada haweenka.

0

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka ayaa soo bandhigtay hindishe sharciyeed ka hortaga xadgudubyada Jinsiga.

Shirkani oo ay kasoo qeyb gashay wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka iyo horumarinta xaquuqal aadanaha ee xukuumada Soomaliya Muumuni Sheekh Cumar ,  ururada bulshada, Wakiila kasocda Maamul gobaleyd yada dalka kajira, Xubna kasocday Hey’ada  Q. Midobay u qaabilsan Hormarinta Bulshada ee UNFPA iyo xafiiska xeer ilaaliyaha Qaranka,

Shirka ayaa inta uu socday waxaa looga dooday ahmiyadda uu shirklani u lee yahay Bulshada Soomaliyed iyo sidii dhaqan galintiisa loogu qeyb qaadan lahaay iyadoo goobta shirka ka socday lagu soo bandhigay Hindise sharciyeedka ka hortaga Danbiyada laxariira Jinsiga.

Dadkii ka qeyb galay shirkasi qaar kood waxey soo jeediyeen in Dowlada Soomaliya  ay dar dar galiso dhaqan galinta hindis sharciyedkan ay soo bandhigtay wasaarada.

Ifraax Macalin Axmed oo ah lataliyaha wasaarada haweenka iyo hormarinta xaquuqal aadanaha u qaabilsan dhanka xadgudub yada haweenka ayaa sheegtay  in Bulshada Soomaliyed ee kunool magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka looga baahan yahay in ay Taageran dhaqangalinta sharcigan.

Wasiir Kuxigeenka wasaarada Haweenka iyo hormarinta xaquuqal insaanka Muumino Sheekh Cumar oo warbaahinta la hadashay ayaa sharaxad ka bixisay faa idooyinka ay bulshada soomaliyed u lee dahay Hirgalinta Hidis sharciyedka ka horgatag Danbiyada Laxariira Jinsiga.