Diyaarad ku shaqeyneysa ileyska Cadceeda oo lasoo saaray+Sawiro Cajiib ah

0

Diyaarad isticmaasha iftiinka cadceeda ayaa si caadi ah u soo fariisatay Kaleloa kadib markii ay ka soo gudubtay badweynta Pacific iyadoo ka soo duushay dalka Japan.

Duuliyaha diyaaradan Andre Borschberg ayaa ku soo dejiyay diyaaradan garoon yar oo ku yaal Kalaeloa oo ku dhow Honolulu dalka Maraykanka.

Safarkan oo qaatay muddo 120 saacadood ah ayaa noqday mid jebiyay rikoor hore ugu yiil caalamka ee ah duulimaad aan marna aysan diyaaradu fariisan.

Duulimaadkii ugu waqtiga dheeraa ayaa ahaa mid hore uu u dhigey Steve Fossett kaasi oo duuliyey diyaarad muddo 76 saacadood oo xiriir ah sanadkii 2006.

Hase ahaatee Borschberg ayaa duuliyay diyaarada cadceeda ku shaqeysa oo aan wax shidaal isticmaalayn iyadoo baalasheeda diyaaradan ay ku xiran yihiin qalab solar ah isla markaana keydinaya si ay diyaarada u isticmaasho xilliyada habeenkii ah oo qoraxdu aysan jirin.

Diyaaradan ayaa xawaaraha caadiga ah ee ku duusha uu yahay 28 Mile saacadii inkastoo ay ka badnaan karto marka ay cadceedu soo jeedo.

Culeyska diyaaradan ayaa ah 5,000 oo Pound kaasoo lamid ah bas ama baabuurta xamuulka qaada ee yaryar.

Labo duuliye ayaa diyaaradan isu bedelaya iyadoo caalamka oo idil ku soo wareegeysa waxayna duulimaadkeeda ka bilowday Abu Dhabi bishii March ee sanadkan, waxayna dhowaan u duuli doontaa Phoenix kadibna New York.

Mashruuca lagu sameeyay diyaaradan oo bilowday sanadkii 2002dii ayaa ku kacaya lacag gaareysa than $100 million oo dollar inkastoo xawaaraha diyaaradan uu aad u yaryahay ayaa hase ahaatee uu u yahay bilow sidii loogaga maarmi lahaa shidaalka lacagta badan ku kacaya caalamka.

1 2 3