Dood ku Saabsan Shirka Hiigsiga Cusub ee Muqdisho ka Furmay oo ay ka qeyb galeen Aqoonyahanno “Dhegeyso”

0

Barnaamijka Gundhigga Dhacdooyinka Idaacadda Mustaqbal ayaa waxaa xalay ku baxday dood ay ka qeyb galeen Laba ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed, taas oo ku saabsaneyd Shirka Hiigsiga Cusub ee Muqdisho ka socda ma lagu soo beegay Xilligii loo baahnaa.

Aweys Cabdalla Cabdi oo ka mid ahaa aqoonyahanada doodda ka qeyb galaya ayaa waxaa uu sheegayaa in Shirku uu waqti loo baahnaa kusoo beegmay, wuxuuna leeyahay waqtiga yar ee ka haray Doorasho dalka ka dhacda waxaa horseedi kara shirka Muqdisho ka furmay.

Aragti taas ka duwan waxaa qaba aqoonyahan Maxamed C/laahi Isxaaq, wuxuuna leeyahay Munaasib maaheyn xilligan waxaana Dowladdu ay ku dooneysaa Mudddo Kororsi.

Shirka Muqdisho ka Furmay Aragtida ay Aqoonyahanadu ka qabaan waxaa Dooddan dhex dhigay C/shakuur Cali Axmed oo Mustaqbal ka tirsan.