Faah Faahin:- Ahlusunada Dhuusamareeb Oo Caawa Xabsiga Dhigay Sadex Wariye.+Magacyo.

0

Masuuliyiinta Maamulka Gobolada Dhexe ee Magaalada Dhuuusamareeb ayaa Xabsiga dhigay Sadex wariye oo ka mid ah wariyayaasha magaalada dhuusamareeb Kuwaasi oo waqtigaan ku jira Xabsiga Magaaladaasi.

Wariyayaasha xiran ayaa kala ah Maxamed Deeq  Cabdi Maxamed oo U shaqaya warbaahinta Dawlada Ee SNTV iyo Radio Muqdisho, C/jamaal Macalin Axmed oo u Shaqaya KalsanTV iyo Radio Bar-kulan iyo Bashiir Maxamed Salaad (Bashiir Sanka) oo u wakiil wareed u ahaa Horn CableTV.

Wariye Maxamed deeq cabdi Maxamed iyo Bashiir Sanka  ayaa  8:30pm laga qabtay gudaha magaalada iyagoo ku caweynayay baar ku yaala Gudaha magaaladaasi waxaana la iisheegay in askarta Maamulka Gobolada dhexe ay ku amreen inay raacaan kuwaasi oo dhigay xabsiga iyagoo ka qaatay telfoonadoodii gacanta.

Wariyaha sadexaad ee C/jamaal Macalin Axmed ayaa 10:00pm laga watay gurigiisa kadib markii ay gaareen Ciidamo ka tirsan maamulka Gobolada dhexe oo ka soo dhex watay wariyaha xili uu la caweynayay Caruurtiisa.

Maamulka Goboada Dhexe ayaa maalmahaan waday amaro adag kuwaasi oo ay horey iigu sheegeen in ay u waceen maamulkaasi wariyayaasha maalmo ka hohor waxayna ku amreeninay is diiwaan gashaan.

Maamulka gobolada Dhexe oo adeegsada Ciidamada Ahlusufa ayaa tan iyo markii ay qabsadeen magaalooyinkaasi waday tacadiyo ka dhan ah saxafiyiinta Gobolada dhexe, Sida ay iyagu sheeganayaan.

Ma jidho masuuliyiin ka Tirsan Ahlusunnada la magacbaxday maamulka Gobolada dhexe oo arintaan faah faahisay iyadoo warbaahinta AGGM Ay xiriir kala duwan la sameysay.

Qaar Kamid Ah Saxafiyiinta Magaaladda Dhuusamareeb ayaa isku dayaya iney Maamulka kala hadlaan sii deynta wariyayaashaan Caawa lagu xiray magaaladda Dhuusamareeb oo gacanta ugu jidha Ururka Ahlusunna.

CODSIGA WARIYAYAASHA
CODSIGA WARIYAYAASHA

C/kariin Axmed Bulxan:

Cabudwaaq / Galgaduud.