Faah-Faahino:- Weerar Xalay ka dhacay Masaajid ku yaalla Degmada Deyniile

0

Dabley hubeysan, ayaa xalay weerartay Masaajid ku yaala xaafada Gubta ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, xilli Masaajidkaasi laga tukanaayay Salaaddii Cishaha ahayd.

Masaajidka oo lagu magacaabo Barre Xeyle, ayaa xilligii la weeraraayay waxaa ku tukanaayay laba ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Degmada Dayniile, oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamed Sabriye iyo Cabdi Macalin Maxamuud. Waxaana weerarka lagu dilay Nabadoon Cabdi Macalin Maxamuud, halka uu ku dhaawacmay Nabadoon Ibraahim Maxamed Sabriye.

Waxaa kaloo weerarkaasi uu dhaawac ka soo gaaray Imaamkii Masaajidka, oo lagu magacaabo Sheekh Axmed Xasan, iyadoo nin kale oo dhalinyaro ahaa uu isna ku dhaawacmay. Ninkaasi waxaa magaciisa lagu sheegay C/qaadir Maxamed.

Ciidanka Saldhiga Booliska Degmada Dayniile, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen hal nin oo lala xiriirinaayo kuwii falkaasi gaystay, waxaana ninkaasi lagu soo qabtay hal bistoolad iyo dhowr xabadood.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Dayniile, Korneyl Maxamuud Mire, oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay qabashada ninkaasi, isla-markaana ay baarayan tuhunka ay u soo xireen.

Dhacdadan, ayaa noqotay midda loogu hadalhaynta badan yahay Degmada Dayniile, iyadoo dadku ay ku wada hadlayan teleefanadooda gacanta, isuna sheegaaya weerarka loo gaystay Odayaasha Dhaqanka.

Bishan Ramadan, ayaa waxaa kordhay dilalka loo gaysanaayo Odayaasha Golaha Dhaqanka Deegaanada Somaliya, waxaana inta badan diallka la tilmaamaa inay gaystaan dabley hubeysan, oo aan haybtoodu la garanayn.

Dadka odoroso siyaasadda Somaliya, ayaa qaba dilalkaasi inay fulinayan xubno ka tirsan Ciidamada Amniyaadka Ururka Al Shabaab. Amniyaadka waa kuwa Shabaabka u qaabilsan dilalka qorsheysan.