Fadeexad+Akhriso:Cabdiwali Gaas Oo Saxiixay 11/12/2011 In Galguduud iyo Mudug La Isku Yiraahdo Galmudug.

0

Waxaan dhawaanahan socday muran ay wadeen maamulka Puntland oo ku aadanaa Maamulka cusub ee laga yagleelayo gobolada Galguduud iyo Mudug.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa waxa uu markay taariikdu ahayd 11/12/2011 isagoo ah R/wasaaraa Dowladdi KMG Ahayd heshiis la saxiixday Maamulka Galmudug ee uu markaas Madaxweynaha ka ahaa Col. Maxamed Axmed Caalin.

Haddii aad dib u eegto qodobka 4-aad ee Nuqulka Heshiiska 11/12/2011 ee ay saxiixdeen R/wasaarihi Dowladdi Ku Meel Gaarka xiligaa Cabdiwali Gaas iyo Col. Maxamed Axmed Caalin waxaa si cad ugu cad oo ku qoran:

4- Waxaa La Isku Afgartay in Macaawinooyinka iyo deeqaha si siman loo gaarsiiyo dhamaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaanada Galguduud iyo Mudug oo la isku yiraahdo GALMUDUG, Waxna looga soo dajiyo Marsada (Dekedda) Hobyo maadaama ay suurta gal tahay.

Ummada Soomaaliyeed iyo inta caqliga saaxiibka u ah Waxaa mudan in ay isweeydiiyaan Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Cabdiwali Gaas ma shalay ayuu saxnaa mise maanta ayuu saxan yahay?

Maamulka Galmudug marnaba muran kuma uu jirin markuu heshiiskaas saxiixayay, waxaa xaqiiqo ah in haddana uu muran ku jirin, mana gali karo sababtoo ah waa waadix in R/wasaarihi Xukuumadi KMG ahay Cabdiwali Gaas oo iminkana a Madaxweynaha maamulka Puntland uu horey u saxiixay Galguduud iyo Mudug in leysku yiraahdo GALMUDUG.

Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in Madaxwenaha Maamulka Puntland markuu ku fashilmay arrimaa gudaha ee deegaanada Maamulka Puntland uu iminka doonayo in shacabka reer Puntland uu ku mashquuliyo waxaan jirin oo uu si cad u ogyahay qudhiisa inuu horey u saxiixay heshiisyo caalami ah iyo mid dowladi KMG ahaydba la gashay maamulki Galmudug oo mid walbaana qeexayay in Galguduud iyo Mudug leysku yiraado GALMUDUG.

Hoos Ka Akhriso qodobka 4-aad ee Heshiiskan

heshiis

heshiis1