Fah-Faahin Dheeraad ah oo kasoo baxaya Weerarkii JAZEERA HOTEL.

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Tirada Dhimashada & Dhaawaca ee uu sababay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Shalay Galab lagu qaaday Hotel Jazeera ee muqdisho.

Agaamiisaha Isbitaal Madiina, Maxamed Yuusuf ayaa wuxuu sheegay in markii uu dhacay Qaraxa lasoo gaarsiiyay Isbitaalka 25 Ruux oo dhaawwacyo kala duwan qaba, kuwaasi oo 4 kamid ah Xalay dhinteen.

Weerarka waxaa sidoo kale lagu dilay mid kamid ah Shaqaalaha Safaaradda China, iyadoo kuwa kalena lagu dhaawacay, sida Sarkaal katirsan Booliska Soomaaliya u sheegay Wacaal Media.

Tirada Dhimashada ayaa waxay gaartay 17 Qof, waxaana Dhaawacyada lakala geeyay Isbitaalada Madiina, Daaru-shifa & Xalane. Al shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkaasi, oo Dadka Reer Muqdisho soo xasuusiyay kii Wakaaladda Hargaha & Saamaha Oct , 2011.

Jazeera oo la dhisay 2012, ayaa waxaa gaarey Bur-bur xoogan, iyadoo dhanka uu Weerarka ka dhacay ay ahayd qeybta ugu mashquulka badan ee Hoteelkaasi oo ay deganaayeen Safaaradaha Masar, Kenya, China iyo Qatar.