FALLO Xiisada Gobalada Dhexe iyo dagaalka Siyaasadeed ee Damul-Jadiid vs Ahlu-Sunna

0

Qoraalkan waxaan uga hadlaynaa labadan urur ee kamid ah kooxaha halganka ugu jira awooda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan gobalada dhexe oo uu muran ka dhashay dhismihii maamulka Galmudug.

Dooda ugu weyn iyo caqabadaha horyaal maamulka cusub ee Galmudug ayaa waxaa kamid ah sidii xal loogu heli lahaa dhaq-dhaqaaqa Ahlu Sunna Waljamaaca oo awood weyn ku leh gobalada dhexe isla markaana dagaal dheer lasoo galay kooxda Al Shabaab.
Balse khilaafkan ka dhex taagan Galmudug iyo Ahllu Sunna ayaa waxaa sii fogeeyey in xal loo helo kooxda Damul Jadiid oo xiligan hogaanka u heysa dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sababta ugu weyn ayaa ah dagaalka fikirka iyo siyaasada oo soo jireen ahaa kaasi oo u dhaxeeya Damul-Jadiid oo xidid ku leh Ikhaawnul Muslimiin iyo Ahlu Sunna.

Labada kooxood maaha kuwo isku heysta arrin Qabiil, waa dhaq dhaqaaqyo salka ku haya fikir diineed iyo weliba mid siyaasadeed oo halgan ugu jira la wareegida awooda dalka.

Balse labaduba kama xishoodaan inay adeegsadaan xasaasiyadaha qabiilka si ay u gaaraan hadafkooda iyo himilooyinkooda siyaasadeed.

Haddaba si aan u ogaano farqiga u dhaxeeya Ahlu Sunna Waljaama iyo Damul-jadiid waxay u baahan tahay in aan dib ugu noqono xiligii Maxkamadaha Islaamiga ay la wareegeen inta badan koonfurta dalka Soomaaliya 2005-2007.

Damul-Jadiid

Sida Damul-jadiid la ogyahay waxay kamid ahaayeen dhaq dhaqaaqii Maxkamada Islaamiga iyagoo xiligaasi kasoo goostay kooxdii Al Islaax oo ahaa farac kamid ah Ikhwaan Muslimiinka xaruntoodu tahay Masar. Fikirka Ikhwaan Muslimiinka ayaa ah inay hab siyaasadeed u maraan hogaanka dalalka Islaamka si ay u noqdaan maamulo islaami ah, walow mashruucaasi uu ka socon waayey marar badan dalka Masar.

Damul Jadiid waxay qeyb ka noqdeen Maxkamadii Islaamiga iyo Muqaawimadii Muqdisho ee sanadihii 2005 illaa 2009 ka dagaalamayey magaalada Muqdisho. Waxayna ka midnoqdeen dhaq dhaqaaqyadii Islaamiga ahaa ee aaminsanaa inay awood militari ku raadiyaan xukunka dalka., iyaga oo qaar kamid ah kaadiriintooda lagu arkey magaalada Casmara ee dalka Ereteeriya sanadkii 2007.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa oo khudbad ka jeedinayey xafladii Caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug ayaa ku faanay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan oo ka qeyb galay munaasabadii caleemo saarka ee Cadaado, in ay kasoo wada halgameen magaalada Asmara ee dalka Eritereya 2007.

Tani waxay ahayd isbedal fikirkii hore ee Al Islaax oo ay Damul-Jadiid meel iska dhigeen oo ay qaateen in hubka la qaato oo dagaal loo galo si xukun loo helo.

Maxkamada Islaamiga ayaa u badnaa dhaq dhaqaaqayadii Salafiga ah oo ay awood weyn ku dhexlahaayeen kooxidii horey loo oron jiray Al Itixaad, isla markaana ay kula wehliyeen kooxo Takfiiri ah oo markii danbe u batay dhinaca Al Shabaab oo noqotay cududii militari ee kasoo dhex baxday Maxkamada Islaamiga, sababna u noqotay burburkii soo deg degay ee maxkamadaha Islaamiga.

Ahlusunna Sunna

Waa dhaq dhaqaaqa Suufiyada dalka Soomaaliya oo hubka qaatay xiliyadii ay soo shaac baxeen maxkamada Islaamiga ee Muqdisho, waxayna si weyn u xoogeysteen markii ay taageero militari ka heleen dowlada Itoobiya oo xiligaasi dagaal kula jirtay Maxkamadaha.

Ahlu Sunna waxay sheegtay inay iska difaacayaan xoogagii Safaliyiinta oo ay ku jireen Al Shabaab iyo Damul-Jadiid oo qaarkood ku tilmaamay murtadiin isla markaana burburiyey xarumo badan iyo qabriyadii shiyuukhdii Suufiyiinta Soomaaliya.

Waxaaba la oron karaa sababihii Ahlu Sunna hubka u qaadatay baaba kamid ahayd la dagaalanka Isbaheysigii ay xubinta ka ahaayeen Damul-jadiid & Al Shabaab.

Taariikhdan kooban ayaa marka hore kuu muujineysa sida ay dhanka fikirka u kala fog yihiin labada kooxood ee Damul-jadiid iyo Ahlu Sunna, kala duwanaasho fikir kuma ekaa dagaal dhiig badan ku daatay ayaa labada dhinac horey usoo dhexmaray si dadban iyo toos ahba.

Labada kooxood ayaa sidoo kale ku kala duwan dhanka hab dhaqanka Siyaasada;

Gorgortanka Ahlu-Sunna iyo Awood Maroorsiga Damul-jadiid

Ahlu Sunna waxay muujisay marar badan inay heshiisyo lagasho dadka ay iska soo horjeedaan waxna la qeybsato, marka laga reebo kooxda Al Shabaab. Ahlu Sunna ayaa inta badan himaladooda ku kooban tahay heer gobal iyo deegaan. Waxaana taasi tusaale u ah heshiisyadii dhexmaray Dowlada Federaalka iyo Ahlu Sunna ee ka dhacay Muqdisho, Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Halka Damul-Jadiid siyaasadooda ay doorbidaan inta badan inay iyagu wax walba la wareegaan hab militari ama hab siyaasadeed (Absolute Domination). Damul-jadiid waxaa sidoo kale astaan u ah inay ka baxaan heshiisyada ay galaan mar walba oo ay fursad u helaan inay wax maroorsadaan.

Damul-Jadiid himiladooda ayaa ah in ay noqdaan awooda Qaranka Soomaaliya hagta, Ama haku helaan Qori ama Qalin!

Arrintan ayaa keentay in Damul-jadiid kahor intaan la dhisin maamulka Galmudug inay weeraro ku qaado deegaanadii ay ka talinayeen Ahlu Sunna Waljamaaca sida dagaalkii ka dhacay Guriceel oo ay hogaaminayeen xubno kamid ah Damul-jadiid oo dowlada xilalka ka hayey.

Ahlu Sunna oo ay markii hore kadis ku noqotay weerar Damul-jadiid oo adeegsanayey maleeshiyaad iyo ciidamadii dowlada, ayaa ku guuleystay inay dib isu abaabulaan oo ay la wareegaan Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Damul-jadiid waxay kadib markaa si toos ah ulla wareegtay maamulida iyo hagida shirka Cadaado iyadoo sidoo kale dusha ka maamuleysay guddiyadii lasoo dhisay si natiijada soo xulista Xildhibaanada iyo Doorashada Madaxweynaha u noqoto tii ay doonayeen. Arrintaasi oo ay si habeysan oo u fuliyeen iyagoo ku bixiyey dhaqaale badan iyo hanti Qaran.

Doorashadii Madaxweynaha Galmudug, Damul-jadiid waxay xoog ku sareen inuu kusoo baxo xilka Cabdikariim Guuleed oo ay awlba keeneen, iyagoo dagaal adag la galay murashaxiintii kale.

Waxay dad badan aaminsan yihiin in murashaxiintii kale ee u tartantay Galmudug ay xal siyaasadeed keeni lahaayeen dhinaca Ahlu Sunna marka loo eego Cabdikariim Guuled oo kamid ah xubnihii horey ulla dagaalamay Ahlu Sunna, taasi oo sii fogeysay xalkii arrintaasi laga gaari lahaa.

Qorshaha Damul-jadiid ayaa ahaa in Ahlusunna laga fogeeyo shirka Cadaado si aysan caqabad ugu noqon doorashada Cabdikariim ama tartan xoogleh ugula gelin xilka Madaxweynaha.

Damul-Jadiid oo ogsooneyd taageerada Ahlu-sunna ku lahayd gobalada dhexe ayaa ka doorbiday in kooxdaasi ay ka fogeyso inay saameyn ku yeeshaan shirka Cadaado, balse marka xilka la hubsadaan Cabdikariim ay ugu baaqaan Ahlusunna wadahadal lagu qancinayo in lasiin doono dhowr xildhibaan iyo xubno Wasiiro xukuumada Cabdikariim soo magacaabi doono.

Ahlusunna oo fahmsaneyd awood wiiqida ay Damul-jadiid ku wado iyo qaabka loola wareegay shirkii Cadaado ayaa kahor doorashadii sii sheegtay inay isaga baxeen shirkaasi isla markaana ay qaban qaabiyeen maamul ay ka dhashisaan magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo loogu magacdaray maamulka gobalada Dhexe, waxaana Madaxweyne loogu doortay Shiikh Maxamed Shaakir oo kamid ahaa hogaamiyayaasha Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Ahlusunna halkaas kuma ekaan waxay bilowday inay awoodeeda ku fidiso gobalka Galgaduud, iyadoo taageero ka helaysa shacabka gobalkaasi ku dhaqan, waxayna madaxdoodu booqasho ku taageen illaa gobalka Hiiraan.

Arrintan waxay dhibaato weyn ku tahay dadka dega gobalada dhexe ee Soomaaliya oo baahi weyn u qabay nidaam dowladeed iyo horumar. Waxaana nasiib xumo ah in Damul-jadiid halganka ay ugu jirto awood helida Qaranka ay u aragto Gobalada Dhexe aalad ay ku gaari karaan himiladooda iyagoo aan xisaabta ku darin dhibaatada ka dhalan karta dagaalka ay kula jiraan Ahlu Sunna oo iyadu taageero badan ku leh dhulkaasi.

Tanaasul la’aanta Damul-Jadiid iyo Taxgelin la’aanta ay tirsaneyso Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa ah mid khatar ku keeni kara amniga gobalada dhexe, dhibaato aan loo baahneyna usoo jiidi kara bulshada gobalada dhexe oo dagaalada ka daalay.

Fikirkaada ka dhiibo maxay tahay xalka lagu soo afjari karo xiisada ka dhex taagan Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo Damul-jadiid, yaadse filaysaa inay ku guuleysan doonaan loolanka ka socda Gobalada Dhexe?

W/Q Hussein Farah