Top News:Gudoomiyaha G/Banaadir oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug

0

Guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Md Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweyanaha cusub ee loo doortay maamulka Gal mudug C.kariim Xuseen Guuleed.

Duqa magaalada muqdisho ayaa Ammaanay habka ay u dhacday doorashada m.weynaha cusub ee Galmudug taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid ku dayasho mudan.

mudane Xasan Maxamed Xuseen ayaa yiri ”M,weynaha cusub ee dowlad gobaleedka Gal Mudug  waan u duceynayaa waxaana Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo wajibaadka culus ee horyaalla, shacabka deegaanadaasina waxaan u rajeynayaa in uu gaarsiiyo nabad,barwaaqo iyo xasillooni ay ku waaraan”

ugu dambeyntii Guddoomiyaha gobaka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho ayaa Amaanay Hogganka iyo doorka wax ku oolka ah ee M.weynaha Cusub ee maamulka Galmudug uu ku leeyahay Nabadda iyo dagananshaha Soomaaliya.