Kala carar ku dhacay boqolaal shacab u dhashay dalka India, Kadib Markii……

0

Maleeshiyo hubeysan oo ku labisan dareeska militariga India ayaa weerar ku qaaday xarun Booliis oo ku taal magaalada Gurdaspur ee gobalka Punjab, waqooyiga wadanka India.

Weerarkan dhacay ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof, isla markaana ku dhaawacmeen 6 kale.

Illaa iyo hada lama yaqaan kooxdan weerarka qaaday, gobalka Punjab ayaa saaran xaduuda Waqooyi ee u dhaxeysa dalalka Pakistaan iyo India.

Horey ayey maleeshiyaad la tuhunsan yahay saldhigooda inuu yahay Pakistaan ay weeraro uga geysteen dhinaca dalka India.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xili bilihii lasoo dhaafay la waday dadaal la isugu soo dhaweenayo labada dowladood ee jaarka ah.

Weerarkan kadib ayaa sare loo qaaday heeganka ciidamada India ka jooga xaduuda ay la wadaagaan dalka Pakistaan.