Top News: Kooxda Daacish iyo sida ay ku galaan wadamada Yurub oo la ogaaday+Dhageyso

0

Xeer ilaalinta sare ee Midowga Yurub ayaa sheegtay in kooxda Daacish ay isku qarinayaan dadka tahriibayaasha ah ee ka tagaya dalka Soomaaliya, Eretria iyo Syria kadibna ay dhibaato ka geysan karaan wadamada Yurub, kuwaasi oo badankood kasii gudba dalka Talyaaniga.

Michele Coninsx, oo madax ka ah hayada wada shaqeynta Garsoorka Midowga Yurub ayaa sheegtay iney xaqiijineyso iney heshay warbixin dhanka sirdoonka ah oo sheegeysa in Daacish ay ku dhex dhuumanayaan dadka tahriibayaasha ah ee galaya dalalka Yurub.

Haweenayda ayaanan sheegin wadamada ka tirsan midowga Yurub ee laga helay xogtaasi, laakiin waxay cadeysan in Daacish ay halis ku yihiin amaanka wadamada Midowga Yurub, loona baahan yahay in laga hortago arimahaasi.

Sidoo kale waxay sheegtay in kooxo ka tirsan ISIS ay sidoo kale dhaqaalo ku taagaareen ayna tahriibayaan dadka doonaya iney Yurub galaan, si markooda ay dhaqaalo ugu taageeraan Daacish.

“Waxaa xaalad digniin ah maxaa yeelay dadka tahriibaya ujeedada waxay tahay iney dhaqaalo siiyaaan Daacish, iyo kooxaha kale ee amniga qatarta ku ah”sidaasi ayay warbaahinta ku sheegtay Ms Coninsx.

Sanadkaan oo kaliya ku dhawaad 70,000 oo tahriibayaal ah ayaa la badbaadiyay, kuwaasi oo inta badan ay badbaadiiyeen ciidamada badda ee midowga Yurub ee dhawaan laga howgaliyay biyaha badda ee u dhaxeeya Libya iyo Talyaaniga.

Talyaaniga ayaa maalin ka hor u sheegay wamada Midowga Yurub in seddex todobaad ee lasoo dhaafay ay kordheen tirade dadka ka tahriibaya Soomaaliya, Eretria iyo Syria iyo wadamada kale ee ku yaala qaarada Africa.