LAABKA CADAADO: Musharixiin bilaabay inay dhaariyaan xildhibaanada ay codka ka iibsanayaan..!

0

Musharixiinta u loolamaya jagada madaxweynaha maamulka Galmudug ee gobolada dhexe ayaa la soo baxay qorshe yaab leh oo ay doonayaan inay ku hubiyaan xildhibaanada ay doonayaan inay codkooda iibsadaan si ay ugu codeeyaan, iyadoo la yimid qaab lagu aamino xildhibaanadaasi.

DHAARIN

Wararka laga helayo magaalada Cadaado oo la ciirciireysa buuqii ugu weynaa ee siyaasadeed iyo olole aan hore loo arag ayaa sheegaya in musharaxiinta qaarkood oo bixinaya lacag ay ku iibsanayaan codadka xildhibaanada codeyn doona qiimahoodu gaaray 20,000 $ ay qasab uga dhigeen xildhibaankii ay siinayaan lacagta inuu Kitaab Quraan ah ugu dhaarto.

Xildhibaano badan ayaa arrintan dib uga istaagay iyagoo diiday inay dhaartaan, waxaana musharxiinta arrintan bilaabay kamida C/kariin Xuseen Guuleed, Maxamed Cilmi iyo musharixiin kale.

Arrintan ayaa la sheegay inay ugu wacan tahay is aamindarro ka dhex jirta musharixiinta iyo xildhibaanada.