War Deg Deg Ah:Labo musharax oo isugu soo haray wareegga ugu dambeeya ee doorashada ka socota Cadaado

0

Codeynta Wareegga saddexaad ee doorashada Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug ayaa bilaabatay, iyadoo ay isu soo baxeen labo musharax oo kaliya.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in wareegga saddexaad ay u soo baxeen labo musharax oo kala ah Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey iyo Bashiir Diiriye Shariif, iyadoo tartanka uu ka haray Xasan Maxamed Warsame.

Guddiga ayaa ugu dhawaaqay natiijada sidatan:-

Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey 37 cod

Bashiir Diiriye Shariif 32 cod

Xasan Maxamed Warsame 17 cod

Guddigu waxa ay sheegeen in labada musharax ee ugu codka badan ay u soo gudbeen wareegga ugu dambeeya ee tartanka.