LIVE DHAGEYSO WAREYSI:- Ganacsatada Beled Xaawo oo saaka diiday in Mandheera looga yimaado & Ganacsigoodii Oo Xiran.

0

Ganacsatada Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa saaka go’aan ku gaaray in ay hakad geliyaan dadkii ka imanayay Magaalada Mandheera kadib markii Ciidamadav Kenya aya billaabeen in Dadka Beled Xaawo ay u diidaan dhinaca mandheera in ay u gudbaan , waxaana ay ogolaadeen in Dadka ka imanaya Mandheera ee Soomaalida iyo Kenyaanka kale ay u gudbaan Beled Xaawo kana ganacsadaan.

mid ka mid ah Ganacsatada Beled Xaawo oo lagu magacaabo Xasan Cabdullahi Biix ayaa sheegay in Saaka ku dhaqaaqeen go’aankaasi ay ku diideen in laga soo galo Mandhera kadib markii  Ciidamada Kenya ay kala sooc sameeyeen.

Ciidamada Kenya ayaa xiray Xadka labada magaalo u dhaxeeya kadib markii dhowrjeer ay weerarro ka dhaceen Waqooyi bari Kenya kuwaas oo Dowladda Kenya ay ku eedeeysay Al-shababa ka soo gudba Sohdina Beled Xaawo iyo Mandheera.

Hoos ka dhageyso mid kamid ah dadka deegaanka: