LIVE NEWS:- Kumanaan Soomaali ah oo markabkii siday laga sugayo Dekedda weyn ee magaalada Boosaaso

0

Magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari Mudooyinkii u dambeeyay waxa ay marti gelineysay Kumanaan Soomaali ah oo ka soo cararaya dagaalada ka socda Dalka Yemen ee Aan deriska nahay,

Sida la xaqiijinayo saacadaha soo socda waxaa magaalada Boosaaso ku soo wajahan Markab aad u weyn oo ay saarn yihiin kumanaan Soomaali ah kuwaas oo dib uga soo laabtay dalkaasi Yemen.

C/laahi Xaashi warsame Qoobdeero oo ah Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arimaha gudaha Dowladda Puntland ayaa All-galgaduud u xaqiijiyay in maalin nimada Berito ah uu Boosaaso ku soo xiran doono Markabkan.

Waxa uu intaasi ku daray in markabkan oo ah mid laba jeer oo hore yimid Boosaaso uu markan sido dad kor u dhaafaya 4000 oo qof islamarkaana ay intooda badan yihiin Soomaali ka soo kala jeeda gobolada kala duwan ee dalka,

Waxa uu intaasi ku daray in ay u diyaar garoobayaan sidi ay u soo dhaweyn lahaayeen, maadama ay imanayaan dalkooda , ayna xil weyn ka saaran tahay soo dhaweyntooda iyo weliba dejintooda goobo ay ku nastaan.

Sikastaba ha ahaatee kumanaan ruux oo kale ayaa horay u soo gaaray Boosaaso, waxaana dadkan qeybtood ay yihin kuwo loo kala diray gobolada ay ka soo kala jeedaan ee dalkeena.

Halka qeyb kale oo deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland iyo in kale oo aan weli la safrinina ay ku jiraan xerro loo diyaariyay oo laga dejiyay Boosaaso.