Mudane Abdulaahi Xaashi Warsame Oo Ah Masuulka Ugu Dhaw Xilka Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug

0

Cadaado(AGGM) Mudane Abdulaahi Xaashi Warsame oo ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug ee dhawaan la doortay ayaa la shaaciyey inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug,waxaana la saadaalinayaa inuu ku soo baxo xilkaasi.

Abdulaahi Xaashi Warsame ayaa ka mid ah Xildhibaanada cusub Ee maamulka Galmudug,waxaana Mudane Abdulaahi Xaashi Warsame ka mid yahay qurbo Joogta Soomaaliyeed ee ka timid dalka dibediisa,waxaana uu ahaa Masuuliyiintii dalka Soomaliya ka soo shaqeeyey  xilligii dawladda alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Siyaad Bare.

Masuuliyiin  aqoon dheer u leh Mudane Cabdulaahi Xaashi Warsame ayaa shaaciyey inuu ku soo baxayo xilka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland waxaana la shaacinayaa inuu xilkaasi ku soo baxo maadama uu saaxiibo badan ku dhex leeyahay Baarlamaanka cusub ee Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay inaysan jirin cid ka mudane Cabdulaahi Xaashi oo ay ku tilmaameen inuu yahay nin weyn isla markaasna aqoon iyo xirfad u leh Xalinta khilaafaadka iyo mushkuladaha,sidoo kalena waxa la sheegay inuu yahay Masuul jecel in wax kasta wada hadal lagu xaliyo.

Sidoo kale Warbaahinta Allgalgaduud arrintaasi u kuur gashay isla markaasna xiriir la sameysay Mudane Cabdulaahi Xaashi Warsame ayaa shaaciyey inuu diyaar u yahay xilkaasi qabto isagoo xusay inuu doonayo in Galmudug u horseedo Nabad iyo horumar isla markaasna uu diyaar u yahay inuu dadka iyo degaanada uu matalo inuu xaq soorayo.

Ugu dambeyntii dhawaan yaa lagu wadaa in Doorashada Madaxtinimadda Galmudug dhacdo,waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda isbedel wayn laga dareemayo Maamulka cusub ee la dhisay gobolladda Mudug iyo Galgaduud,waxaana sidoo kale jira Masuuliyiin badan oo ku loolaya Madaxtinimadda Maamulka Galmudug.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com