Obama Ma Baagamuuddaa!!!

0

Xilligii qabqablayaasha Soomaaliya, gaar ahaan wixii ka danbeeyey 11-kii September ee ahayd markii la qarxiyey sarihii ganacsiga ee Maraykanka, ee uu haddana soo baxay dagaalka waxa loogu yeero la dagaalanka argagaxisada, ayaa qabqablayaashii Soomaaliya guud ahaaan waxay u arkeen in ay fursad u tahay inay la shaqeeyaan Maraykanka si ay dhaqaale iyo malaha magac ugu helaan ka mid noqoshada xulufada dagaalkaasi.

Qabqable reer Muqdisho ah, ayaa la sheegay inuu dhawr jeer u yeeray odayaasha beeshiisa oo ku yiri waxaan xiriir la leeyahay ninkan adduunka magaciisu wareeriyey ee George Bush. Odayaashu markay la soo fariistaan, ayuu intuu telefoon dhegta saaro oo meel gooni ah la yara istaago, waxa uu yiraahdaa “Hello Bush i am in Mogadishu”. Oday ka mid ahaa odayaashii ayaa laga hayaa: “Ar heey Buush ma baagamuudda”

gaas

Maalmahan waxaa magaalada Nairobi ku sugnaa Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Gaas,oo ay taageerayaashiisu noo sheegeen inuu Nairobi ku sugayo Madaxweynaha Maraykanka si uu ula kulmo, oo ay uga wada hadlaan arrimaha Soomaaliya. Dadka qaaar ee taageerayaasha Gaas ah, waxay i yiraahdeen boowe Gaas waa nin Maraykanka ah oo keligiis ayaa Maraykanku casumay.

Dadkii Hoteelada Nairobi kula kulmay Cabdiweli Gaas waxaa laga sheegay inay arkeen Cabdiweli Gaas oo telefoon gaar ula baxaya oo leh “Hello Obama i am in Nairobi iyo Hello John Kerry I am in Nairobi”, markaas ayaan aniguna is iri “Ari Boowe Obama ma Baagamuuddaa”

obama

Waa laga yaabaa in inay labada nin is arkaan oo Dawladda Kenya, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ka saacido sidii loola kulansiin lahaa Obama, balse waan eegnaa inay berri kulmaan iyo in kale.