TOOS U DHAGEYSO:- Puntland oo sheegtay inaysan wax wada hadalo ah la geli doonin Madaxweynaha Cusub ee Galmudug

0

Maamul Puntland ayaa waxa uu iska diiday in wada hadalo uu la furo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, sababo la xiriira Puntland oo aan aqoonsanayn jiritaanka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug, ayaa Sabtidii Magaalada Cadaado kaga dhawaaqay inay wada hadalo la furi doonaan Maamulka Puntland, isagoona muujiyay inaanay Galmudug halis ku ahayn jiritaanka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan (Soo-cade) oo Saxaafadda la hadlay, ayaa wuxuu cadeeyay inaysan jirin sabab ay wada hadalo kula furi karaan Madaxweynaha Galmudug.

Wasiirka waxa kaloo uu sheegay in Puntland cidda keliya ay wada hadalo la furayso, ay tahay Dowladda Federalka Somaliya, si looga wada hadlo colaado uu sheegay inay ka hurinayso Gobolada Dhexe.

Wasiirka waxa uu soo hadalqaaday haddii Puntland wada hadalo la galeyso C/kariin Xuseen Guuleedn, in ay ka geli doonto isagoo shakhsi ah, oo aynaan la geli doonin isagoo markaasi Madaxweyne ah.

Soo-cade, ayaa si adag Dowladda Somaliya ugu dhaliilay inay soo dhoodhoobtay Dhismaha Maamulka Galmudug, isla-markaana ay Puntland cadaynayso sida ay kaga soo horjeedo jiritaanka Maamulkaasi.

Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobe, ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay Dhismaha Maamul Goboleedka Galmudug, oo ku magacaaban Gobolada Galgaduud iyo Mudug.