Sawirka iyo Magaca ninkii isku qarxiyay Hoteel Jazeera oo lasoo bandhigay (DAAWO SAWIRADA)

0

Dowladda Jarmalka ayaa ka shakisan in ruuxii fuliyay weerarkii Axadii lagu qaaday Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho uu ahaa nin ku noolaa dalkaas, oo horay ugu biiray Xarakada Al-Shabaab.

Sida ay Wakaaladda Reuters u xaqiijiyeen ilo dhinaca ammaanka Abdirizak Bouh ayaa ahaa ruuxii ka dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee lala beegsaday Hotel Jazeera, waxaa uu ku dhashay dalka Libiya, isagoo heystay Baasaboorada Libiya iyo Soomaaliya.

Abdirizak Bouh ayaa dhashay sanadkii 1985, waxaa uu mar ku noolaa magaalada Bonn ee dalka Jarmalka, waxay Hey’addaha Ammaanka Jarmalka u diiwaan geliyeen inuu ahaa nin aad u mayal adkaa oo horay loogu xiray dalka Jarmalka.

Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa shalay xaqiijiyay in ninkii fuliyay qaraxii ismiidaaminta Hotelka Jazeera uu ahaa Soomaali Jarmal, balse ma aysan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan magaciisa oo buuxa.

Kooxo Khubaro Ajaaniib ah ayaa baarayay haraaga ruuxa jirka ruuxii isku qarxiyay Hotelka, si ay u ogaadaan heybtiisa, waxaana laga qaaday dheecaanka DNA ama Hiddo wadaha qofka ee lagu garto tixraaca qofka.

Sanadkii 2009-kii ayaa laga celiyay inuu ka dhoofo Jarmalka, kadib markii looga shakiyay inuu doonayay inuu ku biiro kooxaha Islaamiyiinta ah.

Hase ahaatee sanadkii 2012 ayuu ku guuleystay inuu ka tago Jarmalka oo uu aado dalka Masar, kadibna u sii gudbo Soomaaliya.

Bouh
SAWIRKA NINKA IS QARXIYAY

Wargeyska Jarmalka ee la yiraahdo Die Welt ayaa horay u xaqiijiyay inuu ku biiray Al-Shabaab, isla markaana uu fuliyay weerarkii Axadii ee Jazeera Hotel lala beegsaday, kaasoo ay ku dhinteen illaa 15 ruux.

Sirdoonka Jarmalka ayaa horay uga digay kororka muwaadiniinteeda ee u socdaalaya dalalka Suuriya, Ciraaq iyo wadamada kale, si ay uga bar bar dagaalamaan Kooxaha Islaamiyiinta.

baaris
baaris

Qaraxyadii Ismiidaamin ee bilihii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa fuliyay Soomaali ka yimid wadamada Yurub oo ka bar bar dagaalamay Al-Shabaab, kuwaasoo kala ahaa Qof Dumar aheyd oo heysatay dhalashada Holland iyo nin Switzerland ka yimid.