Sawiro:- Madaxweynaha “Kuma faraxsani ka maqnaashaha shirka ee Puntland iyo Somaliland”

0

Muqdisho, 29 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furey shirkii labaad ee caalamiga ah ee Madasha Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya.

Shirkan oo ah kii labaad ee heerkiisu sareeyo ee barnaamijka loo yaqaano(High Level Partners Forum) , ayaa waxaa ka soo qeybgalay wufuud caalami oo ka socda ilaa 30 dal, ku dhowaad 200 oo ergo oo ka socda Soomaaliya, gaar ahaan baarlamanka, maamullada KMG iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay Soomaaliya, gaar ahaan qiimeynta iyo dib u eegista lagu sameynayo waxyaabaha ka qabsoomey barnaamijyada dib u dhiska, siyaasadda, amniga, dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo sida dalka looga dhaqangeliyey nidaamka baahinta xukunka ee federaalka ah.

‘’Sannadkii 2013-ka markii la ansixiyey Cahdiga cusub (New Deal Somalia Campact), ayaa waxaa Dowladda Federaalka, Baarlamanka, gobollada Soomaaliya iyo beesha caalamka ay abuureen iskaashi ku saleysan hadafyada horumarinta ee dhinacyada kala duwan ee muhiimka u ah dib u dhiska Soomaaliya. Sidaa darted horumarka la doonayo in dalka laga dhaqangeliyo waa mid loogu talagaley in lagu taageero dib u soo nooleynta iyo tayeynta hay’adaha dowliga ee Soomaaliya, iyo in qof kasta oo Soomaali ah u dareemo waxqabadka iyo faa’idooyinka barnaamijkan,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay inuu aad uga xun yahay in Somaliland, iyo maamullada Puntland iyo Jubba ay qaadaceen ka qeybgalka shirka, walow, martiqaadyo rasmi ah loo fidiyey.

‘’Somaliland, Jubba iyo Puntland waxay saddexduba muhiim u yihiin hirgelinta Soomaaliya cusub ee ku dhisan dimoqraadi iyo nabad ku wada noolaansho. Dadaal badan ayaan sameyney aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha oo aan dooneyney in maamullada Jubba iyo Puntland ay shirkan ka soo qeybgalaan, hase yeeshee way ku gacan seyreen. Balse waxaan sii wadeynaa inaan wadahadal iyo tashi la sii yeelanno dhammaan qeybaha kala duwan ee dalka, si aan wadajir dib ugu dhisno Soomaaliya’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha kale ee dowladdu diiradda saareyso ay ka mid yihiin hirgelinta taageerada iyo ka shaqeynta guddiyada madaxa banaan (Dastuurka, Doorashooyinka, Xudduudaha), barnaamijka isku dhafka ciidammada, dhismaha booliska, dhameystirka dhismaha maamullada iyo in la fududeeyo lana tayeeyo adeegyada bulshada ee muhiimka ah.

Dhinaca doorashooyinka, Madaxweynaha waxaa uu sheegay in sannadka 2016 aysan dalka ka dhici karin doorasho ku dhisan qof iyo cod, marka loo eego xaaladda dalka ka jirta, balse la dersayo qaababka kale ee suuragalka ah ee dalka looga sameyn karo doorashooyin horseedi doona dhismaha baarlaman cusub iyo xukuummad.

Furitaanka shirka waxaa kale oo hadal la jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke , Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkan ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah si rasmi ah loo soo gabagabeeyo.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed