SAWIRO:- Shariif Xasan Oo Ka soo muuqday shirkii Hiigsiga Cusub ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u soo xirey shirkii Madasha Wadatashiga ee beesha caalamka iyo Soomaaliya (High Level Partners Forum) oo muddo laba maalmood ah ka socdey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qabsoomidda shirkan ay guul u tahay Soomaaliya iyo waddamada beesha caalamka ee sida dhow u la shaqeynaya.
‘’Waxaa naga go’an inaan si wadajir ah u shaqeyno, inagoo leh hal ujeeddo oo ah dhismaha dal qaranimadiisa ay sugan tahay, nabadgelyo buuxda ay ka jirto, mideysan, oo lagu dhaqayo nidaamka federaalka. Waxaan dooneynaa Soomaaliya nabad ah, isla markaana aan wax khatar ah ku ahayn caalamka,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in go’aankii dhowaan ay soo saareen goleyaasha qaranka ee ahaa inaaney dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, aaney micnaheedu ahayn in waddanka aaney wax doorasho ah ka dhici doonin.

“Waxaa jiri doona wadatashi qaran oo lagu go’aamin doono nidaamka doorasho ee nagu habboon. Xaaladda dalkeena ka jirta marnaba ma saamaxeyso in doorasho nooca qof iyo cod aan dalka ka sameyno. Ujeedkeenu ma ahan inaan dooneyno in muddo kordhin la sameeyo, balse waxaan rabnaa in wadatashi loo dhan yahay lagu go’aamiyo hadba waxa aan dooneyno inaan ka hirgelino dalkeena. Waxaa naga go’an inaan dhaqangelino dib u heshiisiin dhameystiran iyo in awoodda dalka si nabad ah la isugu wareejiyo’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley muhimadda in Soomaaliya laga taageero dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha oo sal u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha. Waxaa kale oo uu xusey baahida loo qabo in si wadajir ah wax looga qabto mushkiladda qaxootiga ka dhashey colaadda dalka Yemen.
Xiritaanka shirka waxaa kale oo hadal ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saarey war murtiyeed uu madasha ka akhriyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar.

Shirka 3aad ee Madasha Wadatashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa la isla oggolaadey in lagu qabto dalka Turkiga, bisha January ee sannadka 2016-ka.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

 unnamed (1) unnamed unnamed (7) unnamed (6) unnamed (5) unnamed (4) unnamed (3) unnamed (2)