SAWIRO:- Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo maamulka Khaatumo ku wareejisay Daawooyin

0

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dowlada Federaalka Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa maanta si rasmi ah deeq dawo ah ugu wareejisay madaxweynaha maamulka Khaatumo Mudane Cali Khaliif Galeyr, waxaana wareejinta dawadan goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka caafimaadka iyo mas’uuliyiin kale.

Marwo Xaawo Xasan Max’ed ayaa deeqdani Dawada ah ay ku wareejisay madaxweynaha maamulka Khaatumo State ku tilmaantay inay qeyb ka tahay dawada wasaaradda caafimaadka ay u qeybineyso gobolada dalka.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa wasaaradda caafimaadka ugu mahadceliyay deeqdan dawada ah isagoo sheegay in baahi weyn loogu qabo dawadan deegaanada maamulkaasi isla markaana muddo aad u dheer ugu dambeysay goboladaasi in la gaarsiiyo wax deeq ah.

Mudane Cali Khaliif Galeyr ayaa sidoo kale sheegay in deegaanada hoos yimaada maamulkiisa ay ka jirto caafimaad daro aad u daran, waxaana mas’uuliyiinta wasaaradda u balan qaaday in dawadan sida ay tahay loo gaarsiin doono dadka loogu talagalay.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka ayaa maanta korneerey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho iyo dekadda weyn ee Muqdisho, wasiir ku xigeenka caafimaadka Cismaan Daalo ayaa sheegay in wasaaradu qorsheynayso sidii xarumo lagu hubiyo tayada waxyaabaha dalka la keenayo ka furi doonto goobahaasi.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27