SAWIRO:- Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Guddiyada doorashooyinka iyo xuduudaha

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa maanta la kulmay Guddiyada madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha kuwaasI oo shalay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay cod qarsoodi ah ay xubnaha guddiyadaas mid mid ugu ansixiyeen

Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka, Wasiiru dowlaha Wasaaradda, qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaarada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa la dar daarmay guddiyada uu kulanka la qaatay, isagoo u soo jeediyay in howsha Soomaali weyn ka sugeyso ay ka soo dhalaalaan.

“Markaan idin soo dooraneynay dadnimadiina iyo Soomaalinimadiina ayaan idinku soo dooranay in aad qaraabo nala tihiin la idin kuma soo dooran in aad saaxiibo nala tihiin la idin kuma soo dooran doorashada 2016-ka in aad noo xaglisaan la idin-kuma soo dooran garabkiina ala ha galo xuduudaha aan leenahay iyo federaalka sida anagu aan rabno in aad ka dhigtaan la idiinma keenin”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa.

1 2 3