Top New+Sawirro:- Deeq Raashin ah oo la gaarsiiyay Dadka danyarta ah ee Dagmada Balanballe.

0

Deeqdan Raashinka ah ee la soo gaarsiiyay dadka Danyarta ah ee Ku Nool Dagmadda Balanballe ee Gobolka Galgaduud Ayaa waxaa Ka faa’ideystay Dad Ubadan Maato iyo Danyar Agooma Ah, Waxaanna Dadka La Gaarsiinayay Ay isugu jireen Dad laga soo xulaya xaafadaha dagmadda, kuwo laga soo aruuriyay xeryaha dadka Qaxootiga ah iyo Dadkale Oo Aan waxba heysan kuwaas oo ay ku jiraan Hooyooyin Dhibaateysan Oo Heysta Caruuro Agooma ah.

Deeqdan Ayaa ka timid Boqortooyada Dowladda cumaan, waxeyna qeyb ka tahay Gar-gaar noocaani oo kala ah kuwaas oo Ka socoto Qeybokamid ah Dalkeenna.

Aadan Maxamed Maxamuud Oo Wakiil Oga ahaa dowladda Cumaan Qeybinta Raashinkaasi Loogu talagalay dadka Danyarta ah Si’ looga Faa’ ideeyo Gudashada waajibaadka Bisha Barakeysan Ee Ramadaan Ayaa U faah faahiyay warbaahinta Noocyada Deeqdan iyo Dadka ka Faa’deysanaya.

“ Waxaan Mahad Balaaran Ucelinayaa suldaanka wadanka aan walaalaha nahay ee Cumaan suldaan Qaamuus, Dowladiisa, iyo shacabkiisa, oo deeqdan aan ka helnay, waxaa Soo gaaray dagmada balanballe raashin Deeq Ah Oo Gaaray Dagmooyinka Balanballe, Cabudwaq iyo Dhabad” Ayuu Yiri Adan Maxamed.

“Anigoo ah Wakiilka Raashinkaasi waxaan markale mahad ucelinayaa suldaanka Wadanka Cumaan, waanan oga mahadcelinayaa deeqdaan raashinka ah ee ay ku soo begeen bisha Ramadaan” Ayuu Hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinaca Kale Qaar Kamid Ah Dadkii la soo Gaarsiiyay Deeqdan Ayaa ka Mahadceliyay Gar-gaarkan Ay Ka Heleen Dowladda Cumaan, Waxeyna Ku Baaqeen in La sii xoojiyo Gurmadyada Noocaan Ah Ee Ay Ubaahanyihiin Dadka Danyarta ee ku guda jira bisha barakeysan ee Ramadaan.

Mid Kamid Ah Hooyooyinka Ayaa Tiri ‘Waxaan marka hore umahadnaqayaa Ilaaheyga weyn, marka xigta waxaan umahadnaqaynaa dowladda Cumaan iyo Boqorkedda Oo Deeqdan Na soo gaarsiiyay, Waxaan ku baaqayna iney sidan ka sii xoojiyaan oo arintani Awooda Saaraan’

Ugu Danbeyna Madaxa Arimaha Bulshada ee Maamulka dagmadda Balanballe Rujaal Axmed Ayaa Dowladaha kale iyo Hay’ada Samafalka ka codsaday iney Ku Daydaan Dowladda Cumaan Oo Gurmad Xoogan Ka Wado Qeybo badan oo Kamid Ah Dalkenna,

“Anigoo Ku Hadlaya Magaca Maamulka Dagmadda Balanballe iyo Kan Dadka Shacabka ah waxaan Halkaan ka cadeenayaa iney Deeqdaasi na soo gaartay intee soo gaarsiisay dadka shacabka ah Deeqdan waan oga mahad celinaynaa”

“Waxaan ka codsanaynaa dowladaha kale iyo hay’adaha Caalamiga ah in ay sidaas oo kale masuuliyad iska saaraan taakuleynta walaalahodda sooman Bisha Ramadaan, Ayuu Yiri Rujaal.

Maalmihii Ugu Danbeeyay ayaa waxaa dagmooyin Badan oo Ka tirsan Gobolka Galgaduud waxaa ka socday Bixinta Rashin kala duwan oo Ay Ku Deeqday Dowladda Cumaan, Waxaanna Ay ku Soo Beegantay Xilli lagu guda jirro Bisha Barakeysan Ee Ramadaan.

DSC03642 DSC03644 DSC03645 DSC03647 DSC03648 DSC03649 DSC03652 DSC03653 DSC03654 DSC03655 DSC03658 DSC03668 DSC03669 DSC03670 DSC03673 DSC03674 DSC03675 DSC03644 DSC03645 DSC03646 DSC03647 DSC03648 DSC03649 DSC03653 DSC03654 DSC03668 DSC03640 DSC03641 DSC03642 DSC03643 DSC03674

Wariye: Yuusuf Cabdi Shire.
Cabudwaaq / Galgaduud.