Shirka New Dealka oo Goordhow Muqdisho ka furmay (Sawiro hordhac Ah).

0

Waxaa Goordhow ka Furmay Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka Somalia Shirka New Deal-ka Kaasi oo ka qeeybgalayaan Wakiilo matalaya in kabadan 40 doowladood oo isugu jiro Qarmada midoobay , Midowga Afrika , iyo Madaxda Soomaalida ah .

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Max’uud iyo Xoghayaha Qaramada Midoobay  u qaabilsan Arimaha Somalia Nicolas key .

Shirkan Ayaa Waxaa qorshuhu yahay in uu socdo muddo 2 maalin ah waxaana markii la soo gaba gabeeyo lagu wadaa in laga soo saaro war muriyeed.

Amaanka Guud Ee Magaalada Muqdisho Ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay waxaana la xeray wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Puntland kama aanay soo qeeybgalin Shirkan Goordhow ka furmay Magaalada Muqdisho hase ahaatee Waxaa shirka Goobjoog ka ah Madaxda Maamulada Gal-Mudug iyo Koonfur Galbeed Ee C/kariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Hoos ka daawo Sawirada hordhaca ah Ee Shirka.

1 2 3 4

 By: Xasan Max’ed Samater (Cowke)