Shirkii Hiigsiga oo la soo gaba gabeeyay iyo war murtiyeed laga soo saaray+Akhri.

0

Shirkii looga hadlayay Hiigsiga sanadka 2016 ayaa goor dhow oo galabnimadii maanta aheyd lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo shirka uu soo xiray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

War murtiyeed ka kooban 18 qodob ayaa laga soo saaray shirka oo ka hadlaya marxalada looga gudbayo 2016 iyo waxyaabaha la qaban doono mudada u hartay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mid ka mid ah qodobada war murtiyeedka ayaa qeexayay in aanay doorasho qof iyo cod dhici karin, waxaana ay soo dhoweeyeen go’aan ay soo saareen Labada gole ee dowladda.

Sidoo kale qodobka kale ayaa ahaa in Guddi qaran loo saaran sida ugu macquulsan ee ay doorasho ku dhici karto sanadka 2016, isla markaana maalmaha soo socda laga soo baaraan-dego.

Madaxweynaha oo ka hadlayay gaba gabada shirka ayaa sheegay in dowladda ay waxyaabo badan u qabsoomeen, isla markaana ay dooneyso waxyaabaha harsan inay qabato, si marxalada hada jirta looga gudbo.

HALKAAN RIIX OO KA AKHRI ISAGOO ENGALISH AH: