TOOS U DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH: Musharax Cabdulaahi Xaashi (Waranle) Oo Ka Mid Ah Musharaxiinta U Taagan Qabashada Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug.

0

Musharax Cabdulaahi Xaashi Warsame oo ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug ee dhawaan la doortay ayaa la shaaciyey inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug,waxaana la saadaalinayaa inuu ku soo baxo xilkaasi.

Abdulaahi Xaashi Warsame ayaa ka mid ah Xildhibaanada cusub Ee maamulka Galmudug,waxaana Mudane Abdulaahi Xaashi Warsame ka mid yahay qurbo Joogta Soomaaliyeed ee ka timid dalka dibediisa,waxaana uu ahaa Masuuliyiintii dalka Soomaliya ka soo shaqeeyey xilligii dawladdi dhexe ee alle ha u naxariistee Marxuum Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare.

Masuuliyiin aqoon dheer u leh Mudane Cabdulaahi Xaashi Warsame ayaa shaaciyey inuu ku soo baxayo xilka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland waxaana la shaacinayaa inuu xilkaasi ku soo baxo maadama uu saaxiibo badan ku dhex leeyahay Baarlamaanka cusub ee Maamulka Galmudug.

HOOS KA DHAGEYSO WUXUU UWARAMAY WARIYAHENNA C/KARIIN AXMED BULXAN: