TOP:- Ahlu Sunna oo amaro ku soo rogtay Warbaahinta ka howlgasha deeganada ay maamulaan.

0

Ururka Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe dalka Somalia, ayaa awaamiir hor leh waxa ay ku soo rogeen Warbaahinta ka howlgasha deeganada ay ku sugan yihiin.

Awaamiirta Ahlu Sunna ay soo saareen ayaa ah in Warbaahinta aysan baahin karin wararka ku saabsan ciidanka Ahlu Sunna, hubka ay haystaan inta uu la eegyahay iyo tiradooda inataba.
Sarkal ka tirsan Ahlu Sunna oo lagu magacaabo Mursal Sheekh Maxamed Xeefoow, ayaa u sheegay Risaala in Warbaahinta ay mamnuuc ka tahay baahinta wararka dhanka ciidanka ku saabsan.
Wuxuu sheegay Warbaahintii aanan u hogaansamin awaamiirtiisa ee ku taallo deeganada Ahlu Sunna ay maamusho inay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.
Hadalka Ahlu Sunna kasoo baxay ayaa u muuqda mid caburin ku ah Warbaahinta ka howlgasha deeganada Ahlu Sunna ay maamulaan.