TOP DHAGEYSO:- Ahlusunna oo Si kulul u cambaareysay Shirka Muqdisho iyo Dowladda Xasan Sheikh-ba.

0

Sheikh Cumar Sh C/qaadir Gudoomiyaha taladda Garab kamida Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxaa uu gabi ahaanba kasoo horjeestay Qodobaddii kasoo baxay Shirkii Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya kaas Shalay lagu soo gabagabeeyey Muqdisho.

Sh Cumar ayaa waxaa uu sheegay in Shirkaasi uu yahay oo kalliya mid lugooyo ah waasida uu hadalka u dhigee, waxyaabihii looga hadlayna ay yihiin kuwa Dad gaar ah dano ugu jirto oo Ummadda Soomaaliyeed aana marna gabi ahaanba looga fakarin dantooda.

Gudoomiyaha Garab kamida Ahlu Sunna waljamaaca ayaa waxaa uu sheegay in iyagu aysan taageersaneyd Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug midna kadib markii Maamulkaas ay kawayeen awoodii ay ku lahayeeen ee wax qeybsi.

Shirka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya ayaa Shalay waxaa lagu soo gabagabeyey Magaaladda Muqdisho waxaana kasoo qeyb galin madaxda Putland iyo Jubaland taas oo Masuuliyiinta Dowladdu ay sheegeen in dhankasta ay u mareen kasoo qeyb galkooda inkastoo aysan suurto galin arintaaas.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: