TOP DHAGEYSO KHUDBAD:- Madaxweyne Xasan “Hadda waxaan joognaa hoteelada iyo maqaaxiyadaha in la weeraro”.

0

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ammaanay doorka dagaalka ay Dowladdiisa kula jirto kooxaha mayalka adag, ee ka soo horjeedo jiritaanka Dowladda Federalka Somaliya.

Madaxweynaha, ayaa tilmaamay in kooxaha xagjirada ah ee dagaalka lagula jiro, ay yihiin kuwo ku dhex dhuumaaleysanaaya bulshada Somaliyeed, iyagoona weerara goobaha ay rayidku ku badan yihiin.

“Al Shabaab iyo kooxahan xagjirada ah ee dagaalka aan kula jirnaahi waa mujtamaca Somalida dad ku dhex jiro, gaatamayo oo meeshii nugul beegsanaaya.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Anaga waxaa nimid ayadoo Madaxtooyada Somaliya inta la weeraro la galo, ayadoo Baarlamaanka la weeraro, ayadoo Xeryaha Militariga iyo guryaha waaweyn ee Dowladda la weeraro, yaan soo marnay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xusay in xilligaan la maraayo in la weeraro hoteelada iyo maqaaxiyadaha ay dadku ka cunteeyan, wuxuuna rajo ka muujiyay in laga gudbi doono mustaqbalka dhow.

HOOS KA DHAGEYSO KHUDBADII XASAN SHEIKH EE SHIRKII SHALAY: