TOOS U DHAGEYSO:- Maleeshiyada Axmed Madoobe oo markii ugu horaysay qirtay in ciidamo Ameerikaan ah daganyihiin Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo

0

Mareykanka ayaa saldhigyo ciidankiisa ka howlgalaan ku leh qaar kamid ah wadamada bariga qaarada Africa, waxaana lagu qiyaasaayaa in ciidamada Mareykanka ee saldhigyo ku leeyihiin 150 wadan.

Dalka Soomaaliya ayaa kamid ah saldhigyada Mareykanka ku leeyahay meel ka baxsan dalkaasi sida laga soo xigtay xubno ka tirsan wasaarada difaaca ee dalka Mareykanka, oo arintaasi ka hadlay.

War dhawaan lagu daabacay wargeyska Siyaasada Dibada ee Foreign Policy ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu saldhiig weyn ka sameystay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Afartii sano ee lasoo dhaafay wasaada difaaca Mareykanka ayaa sheeganeysay weeraro kala duwan oo ka dhacday dalka Soomaaliya, kuwaasi oo badankood laga soo abaabulay dalalka Kenya, Jabuuti iyo Ethiopia.

Horjooge C/qani Cabdi Jaamac  ayaa xaqiijiyay in ciidamada Mareykanka saldhig ku leeyihiin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayna joogaan ciidamo American ah.