TOP DHAGEYSO:- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay in shir caalami ah bishan gudaheeda lagu qaban doono Muqdisho & Weerarii Shabaabna Ka Hadlay.

0

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo maanta shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya diyaar u tahay inay martigeliso shir caalami ah oo looga hadli doono dhameystirka Hiigsiga cusub ee 2015-ka,kaasi oo 29-ka Bishan ka dhici doona Muqdisho.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in weerarada Al-shabaab aan loo baajin doonin hormarada iyo dib u dhiska dalka ka socda,islamarkaana wax waliba sidoodii u soconayaan.

Ra’iisal wasaaraha oo hadalkiisa sii wada ayaa Yiri” Falalka noocaan ee lala beegsanayo hotellada iyo xarumaha Ganacsiga ay yihiin kuwa lagu joojinayo horumarka dalka, waxaana Tacsi u dirayaa dhammaan dadkii wax ku noqday Qaraxii shalay ay argagixisada ka geysteen hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho”.

Dhinaca kale,Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa shirkiisa Jiraa’id fariin ugu diray kuwa weerarada argagixiso ka fulinaya dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho,wuxuuna carabka ku adkeeyay in awooda ciidamada kuwaasi ka carari Karin.

“dhawaan gacanta nabad-diidka laga saarayaa magaalooyin cusub, maadaama ay socdaan howlgallo baaxad leh, waxaana ugu dambeyntii ugu baaqayaa dhalinyarada ay nabad-diidku qaldeen in weli ay ka soo laaban karaan fikirka lagu marin-habaabiyey”. Ayuu markale Yiri Raiisulwasaare Cumar Cabdirashiid.

Shirka Jiraa’id ee Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke uu ku qabtay Muqdisho ayaa ku soo aadaya xilli maalintii shalay ahayd ururka A-shabaab weerar ismiidaamin ah oo gaari xamuulka qaada loo adeegsaday ku qaadeen Hotelka Jaziira,kaasi oo qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray.

Sidoo kale,Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa daba yaaqada bishan martigelineysa shir caalami ah oo looga hadlayo arimaha Hiigsiga cusub sanadka 2016-ka.

Dhageyso codka reysulwasaaraha: