TOP DHAGEYSO:- Tirada Guud ee Ciidanka isku dhafka Soomaaliya oo la shaaciyay.

0

Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ay wadaa Qorshe lagu dhisayo Ciidamada Qaranka Soomaaliya kuwaas oo la iskugu dhafayo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Tirada Ciidamada la isku dhafayo la gaarsiin doono Toban kun iyo Sideed Boqol oo Askari,kuwaas oo aan hoostagi doonin Maamul Gooni ah,balse Dowladda Dhexe ka Amar qaadan doona.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in uu jiro Qorshe kale oo lagu sameeynayo Ciidamo Boolis ah oo Heer Federaal iyo Heer degmo ah,kuwaas oo qeyb ka qaadanaya  Sugida Amniga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada Qorshe la iskugu dhafayo Ciidamada Maamulada Dalka iyo kuwa Dowladda Dhexe si loo helo Ciidamo Awood leh oo Dalka uu yeesho.

HOOS KA DHAGEYSO WARBIXIN: