TOP DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay xaalada Muqdisho iyo Maamulka Isbitaal Madiina oo ka hadlay dhaawacyada la geeyay Isbitaalka.

0

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saaka degan, kadib markii dadka reer Muqdisho shalay galab ay la argagaxeen qaraxii cuslaa ee lagu qaaday Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho oo Masaafo gaaban u jira Madaarka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Hoteelka Jazeera oo lagu weeraray gaari weyn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa waxaa hada ku sugan oo amniga adkeynaya ciidamada loo yaqaan gaashaan oo ka tirsan Nabad Suggida Somalia, iyadoo gabi ahaanba la xiray wadada aada Garoonka Muqdisho oo muhiim u ah socdaalka dhanka dibada dadka u baxaya iyo shaqooyinka Garoonka.

Dadka qaraxaasi ku dhaawacmay ee Isbitaalka Madiina la dhigay ayaa tiradooda waxa ay gaaraysa 25-ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba, sida uu VOA u sheegay Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf.

21 qof ayaa Isbitaalka la jiifiyay kuwaasi oo dhaqaatiirta ay u arkeen in xaaladooda caafimaad ay tahay mid aad u liidato,  maadaama qaar ay si xun ugu dhaawacmeen dhismaha Hoteelka oo bur buray iyo firirka qaraxii oo dadka si xun ugu dhaawacmeen.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in afar ruux oo dhaawacooda fududaa guryahooda dib loogu celiyay, halka 21-ka kalena la seexiyay oo dhaqaatiirta ay ku dadaalayaan sidii loo daaweyn lahaa.

Jugta culus ee qaraxii shalay dadka waxa ay soo xusuusisay weerarkii dhibaatada badnaa ee lagu qaaday Xaruntii Hargaha iyo Saamaha ee KM4 ku taallo, halkaasi oo dad badan oo Arday ahaa lagu laayay.

Dadka Muqdisho ku nool ayaa quus ka taagan dhibaatadan soo noq noqotay ee xalka loo la’yahay, waxa ayna dadka yihiin dhibanayaal ku dul nool mowjado qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo Magaaladan ay martigelisay.

Dowladda Somalia ayaa sheegaysa inay ku dadaalayso xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho, hayeeshe waxaa muuqata in Laanta Sirdoonka Dowladda ay ku fashilan tahay helida macluumaadka ku saabsan qaraxyada Shabaab ay diyaariyaan si looga hortaggo, maadaama falka uu yahay ka dabatag ama ka hortag, iyadoo midna aan laga hayn Dowladda Somalia.

DHAGEYSO WARIYE SHARAXAYA XAALADDA SAAKA: