TOP DHAGEYSO WAREYSI:- Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug oo beeniyay iney Gadoodeen ciidamo ka tirsan P/land.

0

Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur Yare Oo Uwaramayay AGGM Ayaa Beeniyay in ciidamo ka tirsan kuwa birmadka Puntland ay Gadoodeen,

Gudoomiyaha ayaa sheegay ineysan jirin ciidamo Farabadan Oo Ka tirsan kuwa birmadka Gobolka Mudug Kuwaas Oo Gadooday, Walow uu xusay 3-askari oo uu sheegay iney La baxsadeen Qoryahoodii,

Axmed muusse Oo Aan weydiinay sababaha ay ubaxsadeen sadexdaaasi Askri oo ka tirsanaa kuwa birmadka Ayaa sheegay iney Kudaba jiraan sababaha Keentay baxsadkoodda.

Ugu Danbeyn ayuu sheegay ineysan aheyn Wax cusub in askar ay Ka Tagaan Xeryaha Ciidamadda wuxuunna sheegay iney Askartu iska tagaan dibna usoo laabtaan.

Hoos ka dhageyso wareysiga: