TOP DHAGEYSO WAREYSI:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulamo aan ka soobixin natiijo kaga soo laabtay kismaayo

0

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay magaalada Caasimadad ah ee Muqdisho, waxaana safarkiisu ahaa mid ku soo dhamaaday natiijo la’aan ka dib markii uu ku guul dareystay ku qancinta Kooxda Raaskanbooni mowduucyadii uu u tagay magaaladaas.

Xasan sheekh Maxamuud ayaa kulamo qaatay saacado badan la qaatay Horjooge Axmed Madoobe saacadihii u dambeeyay ee xalay iyo shalay, waxaana sida ilo wareedyo xaqiijinayaan jirin wax natiijo ah oo shirarkaas ka soo baxay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in mowduucyada uu Madaxweynuhu u tagay kismaayo ka mid aheyd ku qancinta Axmed madoobe ka qeyb galka shir ka dhici doona Muqdisho kaas oo loogaga hadli doono nidaamka federaalka iyo hiigsiga 2016 kaa soo ay go’aan ka qaateen Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saaka si deg deg ah ugaga dhoofay Kismaayo, iyado aan saxaafada loo soo bandhigin hadii uu natiijo yeeshay kulamadii dhexmarayay saacadihii la soo dhaafay labada dhinac

Madaxweyne Xasan ayaa gaaray Muqdisho, waxaana halkaas loogu sameeyay soo dhaweyn goor dhoweyd oo maanta ah.