TOP DHAGEYSO:- Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda.

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in shirka hiigsiga 2016-ka uu yahay mid ahmiyad weyn ugu fadhiya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maareeye ayaa sheegay shirka uu yahay mid heer caalami ah oo arrimaha Soomaaliya diiradda lagu saarayo, isagoo intaa ku daray in go’aankii wada jirka ahaa ee ay soo saareen Baarlamaanka iyo Xukuumadda ee ku aadan in aan dalka ka dhici Karin doorasho hal qof hal cod ay soo dhaweeyeen xubnihii ka qeyb galay shirka.

“Go’aankii ay sida wadarjirka ah u qaateen baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya ee ah doorashada hal qof iyo hal cod in aysan dhici karin, ayna soo dhaweeyeen dowladihii shirka ka hadlay. Waxaan lagu balamay in shirka bisha Janaayo 2016-ka ay dowladda ay la timaado qorshe ku cad hiigsiga, kaasi oo lagu qaban doono magaalada Garoowe,”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Halkan ka dhageyso codka Wasiirk