TOP DHAGEYSO:- Xaaladda Caafimaad ee wariye Salmaan Jamaal Siciid Oo Soo Hagaagaysa.

0

Xaaladda Caafimaad ee Wariye Salmaan Jamaal Siciid ayaa soo Hagaagaysa Kadib Dhaawac ka soo gaaray weerarkii Dhawaan Ka dhacay Hotelka Jazeera Ee Magaaladda Muqdisho.

Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Africa Ee Tv-ga Universal Cabdulaahi xirsi Kulmiye Ayaa faah faahin ka bixiyay Xaaladda Caafimaad ee Saxafiga,

Wuxuunna sheegay in xaaladda wariyaha ay soo hagaagayso, Dhakhaatiirtuna ay la tacaalayaan Dhaawac Fudud Oo Wariyaha ka soo gaaray Wajiga,

Wuxuu Qiray in salmaan uu hadda ku soconayo Luguhiisa Xaaladiisanna ay tahay Mid soo wanaagsanaysa, sida dhakhaatiirtu Ay sheegeen.

Dhinaca Kale wuxuu beeniyay Warar La isla dhexmarayay Kuwaas oo sheegaya in Xaaladda Wariyaha Ay Tahay mid Liidata Waxna Laga Qaban waayay,

Dhawaan ayeey aheyd markii Qarax ismiidaamin ah Uu Ku Dhaawacmay Wariye Salmaan Jamaal Siciid Oo Kamid ah shaqaalaha Tv-ga Universal Qeybta Magaaladda Muqdisho.

Hoos ka dhageyso Warbixin: