TOP DHAGEYSO:- Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Puntland Oo Ansixiyay Miisaaniyad Sanadeedka 2014.

0

Baarlamanka Puntland Oo Ku Guda Jirra Kala fadhigoodii 35-aad ayaa maanta la horgeeyay Labo Qodob Oo Ku Saabsanaa Siyaasadda maamul baahinta iyo Miisaaniyadda 2014 Ee Dowladda.

Gudoomiyaha Gudiga Dhaqaalaha Golaha Shacabka Puntland Maxamed Faarax Nuux ayaa Wuxuu ka hor akhriyay Golaha Baarlamanka Warbixin Ku Saabsan Miisaaniyad sana’deedka 2014.

Waxaanna Intaasi kadib Xildhibaanadu Cod Gacan taag ah Ugu Codeeyeen Dhaqan galinta Miisaaniyadda Sanadka 2014- Ee Dowladdu Ku Shaqeynayso.

Waxaanna Xildhibaanadu Si Wadajir Ah Ugu Codeeyeen Miisaaniyad Sanadeedka 2014 iyo Siyaasadda  Maamulk Baahinta Taas oo iyaduna ay soo Gudbisay Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Puntland.

Gaba-gabadii Kulanka Ayaa waxaa xildhibaanadda Loo Qeybiyay Khidmadda Shaqaalaha ajnabiga ah ee Puntland waxeyna Qodobkaasi ka doodi doonaan Fadhiga Barito hadii Uu Alle idmo.

Hoos ka dhageyso warbixin: