TOP DHAGEYSO:- Xukuumada Hada jirta oo lagula Xisaabtami doono dib u dhac kasta oo ku yimaado doorasho dalka ka dhacda.

0

Gudoomiyaha gudiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya mudane Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in sanadka 2016-ka oo lagu balansanaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal taasi ay suurta geliweyso.

Xukuumada Hada jirta ayuu sheegay in lagula xisaabtami doono dib u dhaca keenay in dalka doorasho qof iyo cod ah ka dhici weydo.

Wuxuu sidoo kale,gudoomiyaha gudiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya xusay in muhiim ay tahay in doorasho ay ka dhacdo 2016-ka sidey doontaba haku timaadee.

Siyaasiyiin badan ayaa Dowlada Xasan Sheikh ku eedeeyay inay ku fashilantay balan qaadyadii horay ugu sameysay Shacabka Soomaaliya oo ay ka mid ahayd on doorasho ay ka dhacdo Soomaaliya.

Dhanka kale,Shir looga hadlayo arimaha Hiigsiga cusub ee 2016-ka ayaa ka socda magaalada Muqdisho,kaasi oo ergo ka badan 200 ay ka qeyb galayaan.

Waxaana muhiimada shirka uu yahay in dib u eegis lagu sameeyo waxyaabaha u qabsoomay Soomaaliya iyo tageerada beesha caalamka.

Hoos ka dhageyso: