TOP NEWS:- Al-Shabaab oo dib uga baxay Degmada Wanlaweyn, ka dib Markii ay qabsadeen

0

Wararka ka imanaya degmada Wanalaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab ay la wareegeen degmada Wanlaweyn oo magaalada Muqdisho u jirta 90km.

Al Shabaab dagaal kulama aysan wareegin Magaalada Wanlaweyn, ciidankii Dowladda oo halkaasi ku sugnaa ayaa ka baxay, kadibna Shabaabka waa ay qabsadeen Magaaladaan xalay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Shabaab kolkii dambe xalay ay isaga baxeen Magaalada Wanlaweyn, markii ay saacado haysteen.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa si iskood ah kaga baxay Degmadasi Wanlaweyn, ka dib muddo saacado ah oo ay haysteen. Mudadii ay haysteen waxay Masaajida kula hadleen bulshada halkaasi ku dhaqan.

Amiiro Ururka Al Shabaab ka tirsan, ayaa waxay digniin adag u jeediyen bulshada reer Wanlaweyn, iyagoona kaga digay wada shaqayn ay la yeeshaan Ciidanka Militariga Soomaaliya