TOP NEWS:- Falaagada Al-Shabaab oo qabsaday degmada Qoryooleey

0

Ciidamo badan oo ka tirsan Alshabaab ayaa la wareegay xalay gacan ku heynta degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii ay isaga baxeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab markii dambe xalay ay isaga baxeen degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose, waaberigii saaka kadib markii guluf ciidan ay ka dareemeen duleedka degmada Qoryooleey.

Ciidamada AMISOM ayaa maalin ka hor isaga baxay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana Alshabaab ay qabsadeen degmada Habeenimadii xalay iyagoo isla saaka isaga baxay degmada.

Alshabaab ayaa dhawaan dib u qabsaday degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ciidamada Alshabaab ay isaga baxeen.