TOP NEWS:- Amisom oo beenisay inay ka baxday qaybo ka mid ah Gobolka Sh/Hoose

0

Madaxa Ciidamada Amisom ahna Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Maman Sidikou, ayaa beeniyay Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom, inay isaga baxayaan dhulkii ay horey kaga saareen Ururka Al Shabaab.

“Danjire Sidikou wuxuu jecelyahay inuu idiin caddeeyo in Ciidamada Amisom aanay ka baxayn magaalo ama goob kale oo ay ka qabsadeen Al Shabaab, taas oo u saamaxaysa Alshabaab inay markale dib ugu soo noqdaan, si ay waxyeelo u gaarsiiyaan shacabka Somaliyed ee nabadda jecel, sidii ay ku samayn jireen ka hor intii aan Ciidamada Amisom iyo kuwa Somalia hawlgallada bilaabin.” Ayuu yiri Madaxa Amisom.

Wakiilka, ayaa wuxuu sheegay Ciidamada Dowladda iyo Amisom inay wadaan dib u qaabayn iyo abaabul, la xiriirta sidii ciidan loo gayn lahaa, taatiko mar sii horeysay la dejiyay, oo suurta gelinaysa in la qabto dhul hor leh.

“Amisom iyo Ciidanka Qaranka Somaliya waxay xilligan ku hawlan yihiin dib u qaabayn iyo is abaabul, sidii ciidamo loo gayn lahaa, si dib loogu soo nooleeyo qorshe mar hore dejisnaa taas oo u suuro gelisay in deegaanadan gacanta lagu dhigo, la xoojiyo isla markaana la isku baahiyo gacan ku haynta ilaa 80% ka mida dhulka ku yaala Koonfurta Somaliya.”sidaasiu waxaa yiri Maman Sidikou.

Waxa kaloo uu intaa ku daray “Tani waa jimicsi si wada jir ah ay u soo noolleynayaan Amisom iyo Masuuliyiin Ciidanka Qaranka Somaliya ka tirsan, si kor loogu qaado hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab. laguna xoojiyo amniga, ayna walaalaheena wiilasha iyo hablaha Somaliyeed u sii wadaan inay naftoodu u huraan nabadda, xasiloonida iyo amniga.”

Danjire Sidikou, ayaa wuxuu hadalkan ku sheegay War Saxafadeed Jimcihii laga soo saaray Xarunta Taliska Ciidanka Amisom Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Marka laga soo taggo hadalka ka soo yeeray Sidikou, ayaa waxay ilo lagu kalsoonaan karo ay xaqiijinayan, in Xoogaga Amisom ay maalmihii ugu dambeysay baneeyen goobo, ay ka jooggeen Gobolka Shabeellaha Hoose.