Top News: Cabdullaahi Bashiir CabdiNuur (Ducaale) Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug.

0

Musharax Cabdullaahi Bashiir CabdiNuur (Ducaale) ayaa waxa uu ku dhawaaqay isagoo ku sugan gudaha magaalada Cadaado in uu isagu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug.

Kullan balaaran oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha Bulshada iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,baarlamaanka Galmudug,siyaasiyiin,odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale ayaa Musharax Cabdullaahi Bashiir CabdiNuur (Ducaale) waxa uu ka sheegay Musaraxnimadiisa ku aadan qabashada xilka madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug .

Xildhibaannada ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,baarlamaanka Galmudug,siyaasiyiinta,odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale ayaa waxa ay kulankan ka jeediyeen Khudbado kala gedisan oo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan Mudane Cabdullaahi Bashiir CabdiNuur (Ducaale) islamarkaana in uu yahay nin u qalma qabashada xilka madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug.

Isku soo wada duuboo khudbad uu ka jeediyey Kullankan Musharaxa madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdullaahi Bashiir CabdiNuur (Ducaale) ayaa waxa uu ku sheegay in isagu hadduu qabto Xilkan uu waxbdan u qaban doono dadka daga gobolada dhexe ee Soomaaliya islamarkaana waxa uu ka codsaday in Xildibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ay iyagu codkooda u siiyaan si hagar la’aan ah si uu waxbadan oo horumar ah ugu horseedo Shacabka Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media

ducaale