TOP NEWS CADAADO:- Musharaxiintii oo bilaabay inay xildhibaanada Galmudug gaar gaar ula kulmaan oo ay qalqaashadaan xili doorashada…

0
Iyadoo ay heer gabagabo ah marayso taratanka Madaxatinimo ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa isa soo taraya kulamada uu Musharax Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye” la yeelano Xildhibaannada baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug, kuwaasi oo uu kala hadlay sidii ay codka u siin lahaayeen, maadaama isagu ay bulshada gobollada dhexe ka codsadeen in uu xilka Madaxtinimo isu soo taago.

Xarunta Musharax Mideeyee ee magaalada Cadaado uu ku leeyahay ayaa maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay mashquul saa’id ah, iyadoo Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Galmudug ay intooda badan lagu arkayay xaruntaasi, kuwaasi oo uu si gooni gooni ah u qaabilayay.

Maxamed Cilmi Afrax ayaa balan qaaday in haddii uu ku guuleysto xilka Madaxtinimo ee dowlad goboleedka Galmudug uu xoogga saari doono horumarinta adeegyada guud ee bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta amniga dowlad goboleedka Galmudug.

Mudane Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye” ayaa ah shaqi ku caan baxay wax u qabashada bulashada ku dhaqan gobollada dhexe, isagoo muddo 23 sano ah ahaa madaxa igu sarreeya hay’adda ICRC ee ka howlgasha gobollada dhexe, taasi oo keentay in uu kasbado kalsoonida bulshada ku nool Gobollada Dhexe.