XOG: Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo La Keenayo Deegaanka Siinka Dheer Ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

0

Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa Shariif Xasan ka dalbaday in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM saldhig looga dhigo ilaa Deegaanka Siinka dheer, oo u dhow Muqdisho.

Dad xog ogaal ah ayaa sheegay in saraakiisha Itoobiya ay Shariif Xasan ka dalbadeen in Ciidamada kale ee AMISOM ay kawada baxaan Gobolka Shabeellaha Hoose si ciidamada Ethiopia ay xor ugu noqdaan gabi ahaan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu soo dhoweeyey go’aanka ciidamada Itoobiya, uuna dalab u gudbin doono madaxda Amisom.

Qorshaha Ciidamada Burundi ay uga soo baxeen fariisimihii ay ku lahaayen Shabeellaha Hoose ayaa qeyb ka ah arrintaas, waxaana Burundi ay Itoobiya ku eedeeyeen inay ku lug lahayd weerarkii lagu qaaday xaruntooda Leego, si meesha looga saaro.

Warar aan halkaasi ka heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay dib uga laabanayaan Deegaanada Sh/Hoose oo ay rabaan inay gacanta ku wada dhigaan.