Top News: Culumaa’udiinka Ahlusunna Oo Maanta Magaalada Dhuusamareeb Ku Dooranaya Madaxweyne Ku Xigeen.

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waaxaa ka soconeysa Munaasabad lagu dooranayo Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Ahlusunna ay sheegtay in ay u dhistay Gobolada Mudug,Galgaduud iyo Hiiraan.

Inkastoo mudo Labo Maalin ah ay Doorashadaasi dib u dhacday sababo la xariira Musharaxiinta isku soo taagay oo badnaa ayaa waxaa la filayaa in maanta lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabada ayaa waxaa Goobjoog ka ah Madaxweynaha Maamulkaasi Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Mas;uuliyiin kale.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media