TOP NEWS:- Taalibaan oo Hogaamiye Cusub Doortay

0

Ururka Daalibaan ayaa doortay hogaamiye cusub ka dib markii uu geeriyooday hogaamiyihii hore ee ururkaasi Mullah Cumar.

hogaamiyahan cusub ayaa lagu magacaabaa Mullah Akhtar Mansoor waxana la sheegaya in uu hore u ahaa kuxigeenkii Mullah Cumar.

geerida Mullah Cumar ayaa waxa xaqiijiyay laamaha sirdoonka Afghanistan maalintii shalay balse maysheegin sababta dhimashadiisa.

Daalibaan weli wax war ah kama soo saarin Geerida Mullah Cumar iyo doorashada Qaa’idka cusub balse wararka doorashada hogaamiyaha cusub ayaa waxa TV-ga  Al-Jaziira u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan Daalibaan.